Magacaabis Guddoomiye Degmo
Muqdisho, Abriil 29, 2026
Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa Col. Yuusuf Muuse Guure u magacaabay Guddoomiyaha Degmada Gubadleey ee Gobolka Banaadir.
Isla wareegto ka soo baxday Xafiiska Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa xilkii Guddoomiyaha Degmada Gubadleey looga qaaday Md. Cabdullaahi Nuur Maxamuud.
Guddoomiye Muungaab ayaa kula dardaarmay Guddoomiyaha cusub ee Degmada Gubadleey, Col. Yuusuf Muuse Guure, in uu mudnaan gaar ah siiyo:
– Horumarinta degmada
– Bilicda iyo nadaafadda deegaanka
– Baahinta iyo hagaajinta adeegyada aas-aasiga ah ee bulshada
— DHAMMAAD —