Hordhac: Hoggaan Cusub iyo Isbeddel Qaran
Kadib sanado badan oo dhibaatooyin amni iyo burbur dowladeed ah, Booliska Soomaaliyeed ayaa markale cagta saaray jidkii horumarka iyo kalsoonida bulshada. Hoggaanka cusub Sareeye Guuto Jeneraal Asad Cismaan Cabdullaahi (Diano) ayaa horseeday dib u habayn ballaaran oo hay’adda lagu sameeyay, taasoo maanta u muuqatay mid aad taabanaysa nolosha shacabka iyo shaqada ciidanka.
Hoggaamintiisu waxay ku dhisan tahay aragtida ah in la dhiso hay’ad amni oo qaran, hufan, casri ah, isla markaana u taagan ilaalinta shacabka iyo sharciga. Tallaabooyinka uu qaaday ayaa mar kale soo celiyay sumcaddii iyo awooddii Booliska Soomaaliyeed, oo muddo dheer ku jiray xaalad adag.
Xarumo Casri ah oo Loo Dhisay Booliska
Mid ka mid ah guulaha ugu muuqda ee hoggaanka cusub waa Hirgelinta dhismaha xarunta cusub ee Taliska Guud ee Booliska Soomaaliyeed ee magaalada Muqdisho, xarun casri ah oo loogu talagalay hogaaminta, qorsheynta iyo isku xirka howlaha amniga Qaranka.
Xaruntan cusub ayaa calaamad u noqotey bilow cusub oo ay hay’addu u qaadayso dhinaca maamul hufan iyo qorshe amni oo isku xiran.
Dhanka kale, Dhismaha masaajid weyn oo ku yaalla gudaha xarunta booliska, kaas oo lagu wado inuu noqdo meel isku keenta saraakiisha iyo bulshada si loo xoojiyo ruuxda wadajirka iyo akhlaaqda shaqo.
Waxaa sidoo kale la dhisay keyd hub oo casri ah, iyadoo la casriyeeyay qalabyada tababarka, xarumaha daryeelka saraakiisha iyo adeegyada aasaasiga ah ee ciidamada.
Unugyo Cusub & kuwii horey u jirey oo Dib u habeyn lagu sameeyey
Hoggaanka Jeneraal Asad Cismaan Cabdullaahi ayaa diiradda saaray dhismaha & hormarinta unugyo gaar ah oo awood u leh la tacaalida amniga gudaha, argagixisada iyo ilaalinta danaha qaranka.
















Qaybaha Cusub ee La Aasaasey amaba dib u habeyn lagu Sameeyay Waxaa ka mid ah:
- Ciidanka Sugidda Amniga Qaranka iyo Ilaalada Canshuuraha
- Ciidanka Nabadgelyada Waddooyinka
- Ciidanka Baarista Dambiyada (CID)
- Ciidanka Ilaalada Xeebaha
- Ciidanka Daraawiishta
- Ciidanka Haramcad ee sida milateriga u tababaran
- Ciidanka Argagixisada la Dagaallama ee Galeyr
- Ciidanka Ilaalada Safaaradaha iyo Hay’adaha UN ka
- Ciidanka Baraha Koontoroolada Guurguura
Unugyadan ayaa qayb muhiim ah ka qaadanaya sugidda amniga caasimadda iyo guud ahaan dalka, iyagoo matalaya wejiga cusub ee Booliska Soomaaliyeed ciidan xirfad leh, nidaamsan, kana go’an ilaalinta shacabka iyo sharciga.
Dugsiga Tababarka General Kaahiye: Tiirka Dib u habaynta
Dugsiga tababarka General Kaahiye ayaa noqday tiirka ugu weyn ee dib-u-habaynta ciidanka booliska. Halkaas waxaa lagu tababaraa kumannaan askari oo cusub kuwaas oo baranaya xirfado casri ah sida la dagaallanka argagixisada, baarista dambiyada, ilaalinta xuquuqda aadanaha, iyo anshaxa boolisnimo.
Saraakiisha halkaas kasoo baxda maanta waxay astaan u yihiin jiilka cusub ee booliska Soomaaliyeed dad xirfad leh, daacadnimo iyo wadaniyad isku darsaday.
Dhanka kale, waxaa horumar weyn laga sameeyay xarunta agoonta booliska, halkaas oo la casriyeeyay dhismayaasha iyo manhajka waxbarashada, si carruurta ay u helaan nolol iyo fursad wax barasho oo wanaagsan.
Tiknoolajiyad iyo Qalab Casri ah
Jeneraal Asad Cismaan Cabdullaahi wuxuu sare u qaaday isticmaalka tiknoolajiyada iyo hufnaanta shaqo ee hay’adda. Waxaa la hirgeliyay nidaamyo isgaarsiineed oo casri ah, keydad xogeedyo amni, iyo habab cusub oo lagu maamulo agabka iyo hubka booliska.
Tani waxay suurta galisay in ciidanku yeesho awood degdeg ah oo lagu maareeyo xaaladaha amni ee gudaha dalka, iyadoo isla markaas la xaqiijiyay daahfurnaan iyo isla xisaabtan gudaha ah.
Kalsoonida Shacabka oo Soo Noqotay
Isbeddelka uu hoggaaminayo Jeneraal Asad wuxuu keenay in kalsoonidii shacabka iyo booliska ay dib u soo laabato. Boolisku maanta waa ciidan dadka u dhow, u adeegaya, ilaalinaya, isla markaana dhowra xuquuqdooda.
Bulshada Muqdisho iyo gobollada kale ayaa si isa soo taraysa u muujinaya kalsooni iyo ixtiraam ay u hayaan ciidanka, taas oo muujinaysa in booliska maanta uu yahay hay’ad dib loo dhisay oo bulshada u adeegta, halkii hore loo arki jiray ciidan cabsi iyo cadaadis lagala kulmo.
Hadalkii Dhiirrigelinta Ee Jen. Asad Cismaan Cabdullaahi
Intii lagu jiray xafladdii qalin jabinta ee dugsiga tababarka General Kaahiye, Jeneraal Asad ayaa si qiiro leh ula hadlay saraakiisha cusub:
“Waxaan aad ugu faraxsanahay inaan maanta idinku arko idinkoo soo dhammeeyay tababar heer sare ah. Dalkiinna waad difaaci doontaan, waad nabadeyn doontaan, waadna ka ilaalin doontaan cadow kasta oo doonaya inuu burburiyo. Waxaan idin rajaynayaa guul iyo sharaf, waajibaadkiinnana Ilaahay ha idiin fududeeyo.”
Hadalladaas ayaa dhiirrigelin xooggan u noqday jiilka cusub ee booliska, kuwaas oo ballan qaaday inay si daacad ah ugu shaqeyn doonaan dalkooda iyo dadkooda.
Guulo La Taaban Karo iyo Hoggaan Muhiim ah
Muddo kooban gudaheed, Jeneraal Asad Cismaan Cabdullaahi wuxuu keenay guulo muuqda oo taariikhi ah, kuwaas oo ay ka mid yihiin:
- Dhismaha xarunta cusub ee CID,
- Hawlgelinta Xarunta Badbaadada Badda (MRCC),
- Ballaarinta Isbitaalka Booliska ee Madina,
- Tababaro joogto ah oo lagu qabto Dugsiga Tababarka ee Kaahiye,
- Iyo xoojinta nidaamka maamulka iyo ilaalinta anshaxa ciidanka.
Hoggaankiisu wuxuu tusaale u yahay sida loo beddeli karo hay’ad muddo dheer la halgamaysay Caqabado badan, una rogi karo ciidan qaran oo la isku halleyn karo.
Gunaanad: Boolis Qaran oo Cusub iyo Rajo Dhalatay
Booliska Soomaaliyeed ee uu hoggaamiyo Jeneraal Asad Cismaan Cabdullaahi maanta waa mid leh ruux qaranimo, xirfad iyo kalsooni.
Dhismayaasha cusub, tababarada joogtada ah, iyo hufnaanta hoggaanka ayaa ka dhigay booliska Soomaaliya hay’ad qaran oo lagu faano.
Isbeddelkan waa calaamad muujinaysa in Soomaaliya ay ku socoto jidka saxda ah jidka nabadda, dowladnimada iyo horumar waara.
Booliska Soomaaliyeed: Ilaaliyaha Dadka, Dhisaya Kalsoonida.
One thought on “Jeneraal Asad Cismaan Cabdullaahi Dib u dhalashada Booliska Soomaaliyeed”
Comments are closed.