Iskaahi cusub Imaaradka oo Taageeray Maamulka Gobolka Banaadir.

Muqdisho, Oktoobar 27, 2025 – Salmurux News — Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa maanta si rasmi ah uga guddoomay Dowladda Imaaraadka Carabta laba gaari oo casri ah oo loogu talagalay dab-damiska iyo gurmadka degdegga ah ee Caasimadda.

Deeqdan muhiimka ah ayaa qeyb ka ah iskaashiga soo jireenka ah ee u dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta, iyadoo diiradda lagu saarayo horumarinta adeegyada bulshada, gaar ahaan amni, nadaafad, iyo dab-damis. Gaadiidkan ayaa lagu wadaa in ay si weyn u xoojiyaan awoodda Maamulka Gobolka Banaadir ee ka jawaabista xaaladaha degdegga ah iyo kahortagga dhibaatooyinka dabka ka dhasha dhismayaasha dhaadheer ee Muqdisho.

Iskaashi Cusub oo u Dhexeeya Muqdisho iyo Abu Dhabi

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, Dr. Muungaab, ayaa uga mahadceliyay Dowladda Imaaraadka Carabta taageerada joogtada ah ee ay la garab taagan tahay shacabka Soomaaliyeed, isagoo xusay in tallaabadan ay tahay bilow wanaagsan oo xiriir horumarineed ah oo u dhexeeya magaalooyinka Muqdisho iyo Abu Dhabi.
“Waxaan rajaynayaa in deeqdan ay noqoto mid horseed u noqota iskaashi ballaaran oo ku saabsan horumarinta adeegyada bulshada iyo kor u qaadista kaabayaasha Caasimadda,” ayuu yiri Dr. Muungaab.

Mas’uuliyiin Heer Sare Oo Ka Qaybgalay Munaasabadda

Munaasabadda lagu wareejinayay gaadiidka dab-damiska waxaa goob joog ka ahaa Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cali Yuusuf Cali (Xoosh), iyo mas’uuliyiin kale oo ka socday Dowladda Federaalka iyo Maamulka Gobolka Banaadir. Waxaa sidoo kale lagu muujiyay sida isku-duubnida dowladaha saaxiibka ah ay muhiim ugu tahay dib-u-dhiska iyo nabadeynta Soomaaliya.

Taageero Joogto ah oo ka Socota Imaaraadka Carabta

Iskaashigan cusub wuxuu caddeyn u yahay go’aanka Imaaraadka Carabta ee ku aaddan taageeridda Soomaaliya, iyadoo mudnaanta la siinayo adeegyada lagama maarmaanka ah ee bulshada sida amni, dab-damis, iyo nadaafad. Tallaabadan ayaa sidoo kale lagu xoojinayaa xiriirka diblumaasiyadeed ee labada dal, iyadoo la rajeynayo in uu horseedo mashruucyo horumarineed oo cusub.

SalmuruxNews