Raysal Wasaare Xamse: “Dilalka ka dhanka ah askarta Qaranka waa fool xumo aan abid horey u soo marin dalkeenna.”

Raysal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamse Cabdi Barre, ayaa markii ugu horreysay ka hadlay dilkii loo geystay lix askari oo ka tirsan ciidanka xoogga dalka, kuwaas oo 26-kii bishan lagu dilay deegaanka Ceel Baraf ee gobolka Shabeellaha Dhexe. Dilkaasi ayaa la sheegay inuu salka ku hayay aano qabiil.
Raysal Wasaaraha ayaa falkaasi ku tilmaamay ayaan darro aad u weyn, isaga oo carrabka ku adkeeyay in dadka ka dambeeyay dilkaasi yihiin kuwo naxariis daran oo aan wax damiir ah lahayn.
“Waxa lagu sameeyay askarta Soomaaliyeed waa arrin aad u fool xun. Dadkii ka dambeeyay ma aha bani’aadam; waa dad qalato, waa bahalo. Wax laga xumaado ayay tahay in qof naftiisa kuu huray oo ku difaacaya, aad sidaas ula dhaqanto,” ayuu yiri Raysal Wasaare Xamse Cabdi Barre.
Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa sidoo kale sheegay in dowladdu ay ku hawlan tahay sidii loo soo qaban lahaa gacan ku dhiiglayaashii ka dambeeyay dilkaas, isagoo ballan qaaday in si degdeg ah loo horgeyn doono sharciga.
“Wiil Soomaaliyeed oo Habeen iyo Maalin kuu taagan inuu ku difaaco in la dilo waa fool xumo aan horey u soo marin. Dilka askarta Qaranka waa cudur ka mid ah dhibaatooyinka dalkeena ragaadiyey. Ciddii Kadambeesana Si degdeg ah ayaana cadaaladda loo horgeyn doonaa,” ayuu yiri Raysal Wasaaraha.
Hadalka Raysal Wasaaraha ayaa ku soo beegmaya iyadoo lixda askari ee lagu dilay Ceel Baraf ay ku sii jeedeen gobolka Hiiraan, halkaas oo ay asal ahaan kasoo jeedeen. Dilkaas ayaa sababay caro xooggan oo ka dhalatay bulshada, gaar ahaan odayaasha Beesha Xawaadle, kuwaas oo ku adkaystay inaan meydadka askarta la aasin ilaa cadaaladda laga horkeeno kuwii dilkaasi geystay.
Sidoo kale, waxaa la soo weriyay in meydadka askartaasi ilaa iyo hadda kula jiraan Farin jeero magaalada Beledweyne, iyada oo la sugayo in la fuliyo baaqa odayaasha ee ah in cadaaladda la marsiiyo gacan ku dhiiglayaashii.
Dilalka ka dhanka ah ciidamada Qaranka ayaa ah arrin xanuun badan oo bulshada Soomaaliyeed u baahan tahay inay si wadajir ah uga shaqeyso sidii loo joojin lahaa.