Wasiir Maxamed Xasan Bullaale: Wasiirkii Ugu Horreeyay Ee Soomaaliyeed Oo Booqda Ururka SONAD

Muqdisho (Salmurux News) — Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Caafimaadka ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Maxamed Xasan Maxamed (Bullaale), ayaa noqday wasiirkii ugu horreeyay ee si rasmi ah u booqda xarunta Ururka Dhagoolayaasha Qaranka Soomaaliyeed (SONAD), taas oo loo arkay tallaabo taariikhi ah oo muujinaysa muhiimadda garab istaagga dadka naafada ah ee dalka.
Ururka SONAD ayaa si weyn ugu mahadceliyay Wasiir Bullaale, iyaga oo tilmaamay inuu yahay masuul leh damiir, qalbi furan, iyo hoggaan dhab ah oo wax ku ool ah. Wasiirka ayaa lagu ammaanay:
✅ Booqashada taariikhiga ah ee SONAD
✅ Taageerada joogtada ah ee dhagoolayaasha
✅ Isku xirka hay’adaha dowladda iyo kuwa aan dawliga ahayn
✅ U doodista kor u qaadidda codka dhagoolayaasha
✅ Hoggaan ku dhisan damqasho iyo aragti furan





Erayada Wasiirka: “Waan Garab Taaganahay Dhagoolayaasha Soomaaliyeed”
Wasiir Maxamed Xasan Maxamed oo hadal kooban jeediyay markii uu SONAD booqday ayaa sheegay inuu la kulmay Xoghayaha Ururka Mudane Muse Xasan kadle, oo ahaa macallinkiisii hore iyo aasaasaha ururka, taas oo uu ku tilmaamay sharaf weyn.
“Maanta oo aan ahay wasiir ku-xigeenka caafimaadka, waxaa sharaf weyn ii ah inaan kula kulmo. Waxaan kuu ballanqaadayaa inaan kula garab taagnaan doono inta karaankeenna iyo awooddeenna ah, wixii suurtagal ahna waan idinla qaban doonnaa,” ayuu yiri Wasiir Bullaale isagoo la hadlayay SONAD.
Fariinta Wasiirka U dire Dhagoolayaasha Soomaaliyeed
Wasiirka ayaa si gaar ah farriin ugu diray bulshada dhagoolayaasha Soomaaliyeed, isaga oo adeegsanaya luqadda tilmaamta si farriintiisu ugu gaarto dhammaan dadka naafada maqalka ah.
“Waxaan halkan uga dirayaa salaan qiimo leh dhammaan dhagoolayaasha Soomaaliyeed iyo bulshada Soomaaliyeed ee adduunka ku nool — waad mahadsan tihiin.”
Muhiimadda Adeegsiga Luqadda Tilmaamta
Wasiir Bullaale ayaa loo arkaa inuu yahay masuulkii ugu horreeyay ee heer wasiir ah oo si toos ah u adeegsa luqadda tilmaamta si uu u muujiyo taageero, sacab Tumid, iyo farxad dhagoolayaasha qaranka. Tallaabadani waxay sare u qaaday kalsoonida SONAD iyo rajada bulshada maqalka la’aanta ah ee Soomaaliyeed.
Wixii faahfaahin dheeraad ah, booqo:
▶ Somali National Association of the Deaf (SONAD) | https://sonad.org
https://www.facebook.com/somalideaf
One thought on “Wasiir Maxamed Xasan Bullaale: Wasiirkii Ugu Horreeyay Ee Soomaaliyeed Oo Booqda Ururka SONAD”