
Raysal Wasaare Xamse: “Dilalka ka dhanka ah askarta Qaranka waa fool xumo aan abid horey u soo marin dalkeenna.”
Raysal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamse Cabdi Barre, ayaa markii ugu horreysay ka hadlay dilkii loo geystay lix askari oo ka tirsan ciidanka xoogga dalka, kuwaas oo 26-kii bishan lagu dilay deegaanka Ceel Baraf ee gobolka Shabeellaha Dhexe. Dilkaasi ayaa la sheegay inuu salka ku hayay aano qabiil. Raysal Wasaaraha ayaa falkaasi ku tilmaamay…