Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo Eedeyn Culus U Jeediyay Dowladda Xasan Sheekh, Kuna Baaqay Wadahadal Qaran

Muqdisho (Salmurux News) — Madaxweynihii hore ee Dowladdii KMG aheyd, Sheekh Shariif Sheekh Axmed, ayaa maanta khudbad kulul ka jeediyay shirweynaha mucaaradka ee ka socda hotelka Jasiira ee magaalada Muqdisho, isaga oo si gaar ah diiradda u saaray xaaladda ciidamada iyo dagaalka socda ee lagula jiro kooxda Al-Shabaab.

Sheekh Shariif ayaa dowladda uu hoggaamiyo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud si toos ah ugu eedeeyay hoggaan xumo iyo musuq-maasuq, taas oo uu sheegay inay sababtay in ciidamadii furimaha dagaalka ay niyad jabeen oo xeryahoodii isaga soo baxaan.

“Waxaan aad uga xunahay hoggaan xumada iyo musuq-maasuqa keenay ciidanku inay niyad jabaan oo furimaha ay kasoo cararaan iyagoo aan hubno inay diyaar u ahaayeen inay difaacaan dalkooda”
ayuu yiri Sheekh Shariif Sheekh Axmed.

Baaq Nabadeed iyo Digniin Siyaasadeed

Sheekh Shariif ayaa ugu baaqay hoggaanka dowladda inay talada dhexda dhigaan oo ay furaan wadahadal qaran si loo badbaadiyo dalka, isagoo xasuusiyay in dagaalka Al-Shabaab uu jiray ka hor inta uusan Xasan Sheekh xilka qaban.

“Waa u deynay shaqadoodii, waana kasoo bixi waayeen waxay bilaaben inay eed tamaan oo darbiyada madaxa ku dhuftaan waxaan leenahay taas waxaa idinkaga fudud miiska soo fariista diyaar ayaa la’idin yahay, waa la’idinkaga horeeyay dagaalka”. ayuu yiri Shariif.

“Dagaalka waa laga idin horreeyay, haddii aad ku guuldareysateen, taas beddelkeeda waxaa idinkaga fudud inaad diyaar u noqotaan miiska wada-hadalka”. ayuu hadalkiisa ku sii daray.

Bogaadin iyo Tacsi loo Diray Macawiisleyda

Dhinaca kale, Sheekh Shariif ayaa bogaadiyay Macawiisleyda Xawaadle ee dagaalka adag kula jira kooxda Al-Shabaab, isagoo tacsi u diray askarta ku dhimatay halganka sidoo kalena caafimaad u rajeeyay kuwa dhaawaca ah.

“Waxaan rabaa inaan si gaar ah u xuso qabaa’ilka dega Hiiraan ee runtii u dhabar adeegay la dagaallanka Al-Shabaab inaan ku hambalyeeyo dadka dhintana allaha u naxariisto kuwa dhaawac ahna alle ha caafiyo. ayuu yiri isaga oo ka hadlay halganka ay ku jiraan reer Hiiraan”.

Xaaladihii Ugu Dambeeyay ee Furimaha Dagaalka

Hadalkan ayaa imaanaya iyadoo dhawaan kooxda Al-Shabaab ay dib u qabsatay deegaanno muhiim ah oo ka tirsan gobolka Shabeellaha Dhexe, kaddib markii ay halkaasi isaga baxeen ciidamada xoogga dalka iyo kuwa deegaanka ee Macawiisleyda. Tani waxey sare u qaaddey walaaca ku saabsan dib-u-gurashada ciidamada iyo halista ay argagixisadu ku hayaan deegaannada bartamaha Soomaaliya.

Si aad u daawato muuqaalka khudbadda oo dhameystiran, booqo:
Facebook Somali Cable TV Video

SalmuruxNews

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *