Puntland oo Shaacisay Inay Dishey 8 Dagaalyahan Ajaanib ah oo Ka Barbar Dagaalamayay Kooxda Daacish

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal ka dhacay deegaanka Dharjaale ee gobolka Bari, kaas oo dhex maray ciidanka dowlad goboleedka Puntland iyo dagaalyahano ka tirsan kooxda Daacish ee ku sugan buuraleyda Calmiskaad.

Dagaalka ayaa billowday ka dib markii gaari walxaha qarxa laga soo buuxiyey lagu weeraray mid ka mid ah fariisimaha ciidamada Puntland. Weerarka qaraxa ka dib, is rasaasayn culus ayaa dhex martay labada dhinac.

Afhayeenka ciidanka Puntland ayaa sheegay in dagaalka lagu dilay 8 xubnood oo ajaanib ah, kuwaas oo ka tirsanaa dagaalyahanada weerarka soo qaaday. Afhayeenku wuxuu xusay in kooxda Daacish lagu gaarsiiyay jab xooggan intii uu dagaalku socday.

Muuqaalo ay baraha bulshada ku faafiyeen ciidanka Puntland ayaa muujinaya meydadka dad ajaanib ah oo la sheegay inay ku dhinteen dagaalka saaka dhacay.

Dowlad goboleedka Puntland ayaa maalmahan dambe waday abaabul dagaal ballaaran oo ay ku sheegtay inay ku xoreynayso gobolka Bari iyo guud ahaan deegaanada hoos yimaada maamulka Puntland, si looga saaro kooxaha Daacish iyo Al-Shabaab.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *