🌙 Ramadaan Mubaarak
🕌 Baaq Sadaqo-Jaariya oo Ku Socda Muxsiniinta
Garowe (Salmurux News) — Maamulka Masaajidka Shamsudiin ee magaalada Garowe waxuu si iimaan, xushmad iyo walaaltinimo ku dheehan tahay ugu baaqayaa dhammaan muxsiniinta iyo dadka khayrka jecel meel kasta oo ay joogaan inay ka qeyb qaataan dayactirka iyo dib-u-habeynta masjidka inta lagu jiro bisha barakeysan ee Ramadaan.
✨ Fadliga Sadaqada-Jaariyada
Rasuulka Alle ﷺ wuxuu yiri:
“Marka uu qofku dhinto, camalkiisu wuu go’ayaa marka laga reebo saddex: sadaqo-jaariya, cilmi laga faa’iidaysto, ama ilmo suuban oo u duceeya.”
(Waxaa weriyay Muslim)
Xadiiskani wuxuu ina xusuusinayaa in sadaqada-jaariyaddu tahay camal sii waaraya, ajarkiisuna uu soconayo xitaa marka qofku geeriyoodo. Ka qeyb qaadashada dhismaha iyo horumarinta masaajidku waa mid ka mid ah camalladaas barakaysan.
Sidoo kale, Rasuulka Alle ﷺ wuxuu yiri:
“Qofkii u dhisa masaajid Alle dartii, Alle wuxuu u dhisaa guri Jannada ku yaal.”
(Waxaa weriyay Bukhaari iyo Muslim)
💳 Hababka Tabarucaadda Masjidka
📍 Gudaha Soomaaliya
- Golis Account: 319142
- E-Dahab: 805064
🌍 Accounts
- Amal Bank: 210108143303
- Salam Bank: 81675455
📲 Xiriir iyo Faahfaahin
Wixii faahfaahin dheeraad ah kala xiriir WhatsApp:
+252 907 746 848
🤲 Duco iyo Mahadcelin
Maamulka Masaajidka Shamsudiin – Garowe waxuu Alle Subxaanahu Wa Tacaalaa uga baryayaa inuu idinka aqbalo sadaqooyinkiina, kana dhigo kuwo miisaanka xasanaadka idiin kordhiya maalinta ALLE la hortago.
Ilaahay ha idinka dhigo kuwa ka mid noqda ehlu-khayrka, camalkooduna noqdo mid waara oo barakeysan.
One thought on “Masaajidka Shamsudiin”
Comments are closed.