MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KULAN XASAASI AH LA YEESHAY MADAXWEYNAHA JABUUTI

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa kulan rasmi ah kula yeeshay Qasriga Madaxtooyada ee Jabuuti dhiggiisa dalkaas, Mudane Ismaaciil Cumar Geelle.
Kulankan, oo ay ka qayb galeen masuuliyiin sarsare oo ka tirsan labada dowladood, ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka qotada dheer ee ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Jabuuti, xaaladda gobolka, iyo sidii loo adkeyn lahaa iskaashiga iyo walaalnimada labada shacab.
Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle ayaa hoosta ka xarriiqay in dowladda iyo shacabka Jabuuti ay sii wadi doonaan taageerada ay siiyaan dowladnimada Soomaaliya. Sidoo kale, wuxuu muujiyey dadaallada joogtada ah ee Jabuuti ay ku bixiso nabadda, amniga, iyo xasilloonida Soomaaliya.
Dhankiisa, Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka hadlay guulaha laga gaaray howlgalkii Nabad Ilaalinta Soomaaliya (ATMIS), isagoo tilmaamay in uu hadda bilaabanayo howlgal kumeel gaar ah oo loogu magac daray AUSSOM, kaas oo loogu talagalay in muddo kooban gudaheed ah ay Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliyeed si buuxda ula wareegaan amniga dalka.
Ugu dambeyn, Madaxweynaha Soomaaliya ayaa uga mahadceliyey dowladda iyo shacabka Jabuuti taageerada walaalnimada leh ee ay mar walba u fidiyaan Soomaaliya. Sidoo kale, wuxuu carabka ku adkeeyey muhiimadda iskaashiga istaraatiijiga ah ee labada dal ee deriska ah.