Muqdisho (Salmurux News) — Duqa Magaalada Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, Hassan Mohamed Hussein (Muungaab), ayaa si adag uga hadlay doodaha ku saabsan nooca doorasho ee dalka ka dhici doonta, isaga oo caddeeyay in aan dib loogu laaban doonin nidaamka doorashada dadban.
Duqa ayaa si toos ah fariin ugu diray kooxaha ku shiraya Muqdisho ee la sheegay inay doonayaan in dib loogu noqdo nidaamkii hore, isaga oo yiri:
“Qolyaha xerada isku soo xidhay ee Doorashada Dadban raba… waxaan leenahay; dib loo noqon maayo. Xamar & dalkuba doorasho toos ah oo keli ah ayey aqbalayaan.”

Mowqif Adag oo Ku Aaddan Doorasho Qof iyo Cod ah
Muungaab ayaa tilmaamay in shacabka caasimaddu ay u bislaadeen nidaam dimuqraadi ah oo qof iyo cod ah, isla markaana aan la aqbali karin in mar kale lagu laabto habkii ku saleysnaa ergooyin iyo heshiisyo siyaasadeed oo xaddidan.
Wuxuu carrabka ku adkeeyay in Muqdisho ay tahay halbowlaha siyaasadda dalka, ayna tahay in ay hormuud u noqoto isbeddelka doorasho ee loo wada dhan yahay.
Doodaha Siyaasadeed oo Sii Kululaanaya
Hadalkaan ayaa kusoo beegmaya xilli ay sii xoogeysanayaan kulamo iyo shirar siyaasadeed oo looga arrinsanayo mustaqbalka doorashooyinka Soomaaliya. Qaar ka mid ah siyaasiyiinta mucaaradka ayaa ku doodaya in xaaladaha amni iyo farsamo ay weli caqabado ku yihiin hirgelinta doorasho toos ah, halka maamulka Banaadir uu ku adkeysanayo in aan dib u dhac dambe la aqbali doonin.
Falanqeeyayaal siyaasadeed ayaa aaminsan in mowqifka Duqa Muqdisho uu xoojinayo cadaadiska lagu saarayo in la dardargeliyo hirgelinta doorasho qof iyo cod ah, si dalka looga saaro nidaamkii ku meel gaarka ahaa ee soo jiitamayay sanado badan.
Aragtiyada Bulshada
Qaar ka mid ah shacabka Muqdisho ayaa soo dhoweeyay hadalka Muungaab, iyaga oo ku tilmaamay mid la jaanqaadaya rabitaanka jiilasha cusub ee doonaya isbeddel dimuqraadi ah. Dhanka kale, waxaa jira kuwo ku baaqaya in la helo wadatashi qaran oo ballaaran si loo hubiyo in hannaan kasta oo la qaato uu noqdo mid loo dhan yahay.
One thought on “Duqa Muqdisho Mudane Muungaab: “Doorasho Dadban dib looguma noqonayo””
Comments are closed.