U.S. Could Halt Somalia Anti-Terror Aid Amid Corruption Fears | Horn of Africa Security Update

Mareykanka oo la filayo inuu Hakiyo Taageerada Amniga Soomaaliya Sababo la Xiriira Musuqmaasuq.

Washington, D.C. – 4 May 2025 – Sharci cusub oo horyaalla Aqalka Senate-ka Mareykanka ayaa suuragal ka dhigay in la joojiyo taageerada amniga ee Mareykanku siiyo Soomaaliya, iyadoo la tixraacayo walaacyo isa soo taraya oo la xiriira musuqmaasuq, maamul xumo iyo hufnaan la’aan maaliyadeed. Qoraalka sharciga oo hadda ku jira marxaladda la-tashi ee guddiyada Senate-ka…

Read More
Over 20 people were killed during a clash between Puntland security forces and Islamic State militants in Somalia.

In ka badan 20 Qof oo Lagu Dilay Dagaal u Dhaxeeya Ciidamada Puntland iyo Dagaalyahanada Daacish ee Soomaaliya

In ka badan 20 qof ayaa lagu dilay dagaal culus oo dhexmaray ciidamada amniga ee Puntland iyo dagaalyahannada kooxda Daacish, kaas oo ka dhacay deegaano ka tirsan gobolka. Sida ay xaqiijiyeen saraakiisha Puntland, dagaalku wuxuu socday muddo labo maalmood ah, iyadoo khasaaraha uu gaarey dhimasho iyo dhaawac labada dhinac ah. Dagaalka Oo Ka Dhacay Ufeyn…

Read More

Ciidamada Puntland Fashiliyeen Miino Dhulka Lagu Aasay Wadada Buuraha Calmiskad

Ciidamada ammaanka ee Puntland ayaa si guul leh u fashiliyey miino dhulka lagu aasay oo ay maleeshiyaadka ISIS iyo Al-Shabaab ku aaseen meel u dhow Buuraha Calmiskad. Hawlgalkaas, oo qayb ka ah dadaallada socda ee lagula dagaallamayo kooxahaasi. Tani waxay calaamad u tahay tallaabo kale oo Puntland ku burburinayso shabakadaha argagixisada iyo sugidda ammaanka gobolka….

Read More

Askartii lagu dilay Ceel-Baraf oo maanta lagu aasay Beledweyne

Wada hadallo dheer kadib waxaa xaley lagu heshiiyey in la aaso 6 askari oo ka tirsan, ciidamadda dowladda federalka oo 10 maalin ka hor lagu diley degmada ceelbaraf. Aas qaran oo loogu sameeyey duleedka magalada baladweyne, askartii lagu diley degmada ceelbaraf ayaa maanta waxaa ka qeybgaley, Duubabka dhaqanka labada beel, mas’uuliyiin dowladeed oo ey kamid…

Read More

Booqashada Agaasimaha Diinta iyo Arimaha Islaamka, Mudane Ibraahim Nadaara Iskuulka Dhagoolayaasha Soomaaliyeed.

Maanta oo taariikhdu ku beegantahy 1da Raja 1446 / 1da Janaayo 2025 waxaa soo booqday iskuulka Dhagooleyaasha Soomaaliyeed ee Somali National Deaf Schools SONAD Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Diinta iyo Arrimaha Islaamka ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Md. Ibraahim Nadaara. Waxaa xarunta ku soo dhaweeyay masuuliyiinta Ururka Dhagooleyaasha Qaranka Soomaaliyeed (SONAD), oo uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Ururka,…

Read More

Raysal Wasaare Xamse: “Dilalka ka dhanka ah askarta Qaranka waa fool xumo aan abid horey u soo marin dalkeenna.”

Raysal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamse Cabdi Barre, ayaa markii ugu horreysay ka hadlay dilkii loo geystay lix askari oo ka tirsan ciidanka xoogga dalka, kuwaas oo 26-kii bishan lagu dilay deegaanka Ceel Baraf ee gobolka Shabeellaha Dhexe. Dilkaasi ayaa la sheegay inuu salka ku hayay aano qabiil. Raysal Wasaaraha ayaa falkaasi ku tilmaamay…

Read More

Puntland oo Shaacisay Inay Dishey 8 Dagaalyahan Ajaanib ah oo Ka Barbar Dagaalamayay Kooxda Daacish

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal ka dhacay deegaanka Dharjaale ee gobolka Bari, kaas oo dhex maray ciidanka dowlad goboleedka Puntland iyo dagaalyahano ka tirsan kooxda Daacish ee ku sugan buuraleyda Calmiskaad. Dagaalka ayaa billowday ka dib markii gaari walxaha qarxa laga soo buuxiyey lagu weeraray mid ka mid ah fariisimaha ciidamada Puntland. Weerarka…

Read More

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KULAN XASAASI AH LA YEESHAY MADAXWEYNAHA JABUUTI

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa kulan rasmi ah kula yeeshay Qasriga Madaxtooyada ee Jabuuti dhiggiisa dalkaas, Mudane Ismaaciil Cumar Geelle. Kulankan, oo ay ka qayb galeen masuuliyiin sarsare oo ka tirsan labada dowladood, ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka qotada dheer ee ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Jabuuti, xaaladda gobolka, iyo sidii…

Read More