Booqashada Agaasimaha Diinta iyo Arimaha Islaamka, Mudane Ibraahim Nadaara Iskuulka Dhagoolayaasha Soomaaliyeed.

Maanta oo taariikhdu ku beegantahy 1da Raja 1446 / 1da Janaayo 2025 waxaa soo booqday iskuulka Dhagooleyaasha Soomaaliyeed ee Somali National Deaf Schools SONAD Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Diinta iyo Arrimaha Islaamka ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Md. Ibraahim Nadaara.

Waxaa xarunta ku soo dhaweeyay masuuliyiinta Ururka Dhagooleyaasha Qaranka Soomaaliyeed (SONAD), oo uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Ururka, Md. Osman Mohamed Nur. Waxaa sidoo kale goobta joogay Guddoomiye Ku-xigeenka, ahna Madaxa Ciyaaraha Dhagooleyaasha Soomaaliyeed, Dr. Mohamed Osman Muhiadin (Burci), Xoghayaha Ururka, Ust. Muse Hassan Ahmed, iyo maamulka iskuulka, Hamdi Ahmed.

Agaasimaha ayaa ballan qaaday in la damaanad qaadi doono 5 macallin oo Qur’aanka iyo arrimaha Islaamka bari doona ardayda maqalka la’, kuwaas oo dhibaato ku qabay maadooyinka Af-Carabiga iyo Tarbiyada Islaamiga.

One thought on “Booqashada Agaasimaha Diinta iyo Arimaha Islaamka, Mudane Ibraahim Nadaara Iskuulka Dhagoolayaasha Soomaaliyeed.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *